- Yaan lagu khaldin Buug.
Kitaab
Kitaab Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub"; Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav") waa erey af-Carabi[1] ah oo macnaheedu tahay "buug".[2] Intaasi waxaa dheer ereyga "kitaab" waxaa loo isticmaalaa in lagu qeexo kutubta afarta ah iyo suxufiga Ilaahay (s.w) ku soo dejiyay ama u soo waxyooday Rasuusha iyo Nebiyada. Sidoo kale, marka la soo qaado ereyga Al-Kitaab waxaa loola dan leeyahay ama la sheegayaa oo loo adeegsadaa kitaabka Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka.[3]
Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[4] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:
- Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed
- Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse, iyo
- Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud.[5][6][7][8]
Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:
- Suxufta Ibraahim oo lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.
Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed waxaa jira tiro badan[9] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[10] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed.[11] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[12]
Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:
| Magaca | Magaca Af-Carabi |
Kitaabka | Suxufi | Sharaxaad Kooban |
|---|---|---|---|---|
| Nebi Muxamed | ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ | Kitaabka Quraanka "Al-Furqaan" (ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ) | - |
|
| Nebi Ciise | ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ | Kitaabka Injiil "Masiixiyad" | - |
|
| Nebi Muuse | ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ | Kitaabka Towraad (ﺗﻮﺭﺍﺓ) | Suxufi Muusa |
|
| Nebi Daa'uud | ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ | Kitaabka Sabuur (ﺯﺑﻮﺭ) | - |
|
| Nebi Ibraahim | ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ | - | Suxufi Ibraahim |
|
Qoraalo La Mid Ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Diin
- Islaam
- Qu'raan
- Nabi Aadam C.S.
- Nebi Maxamed
- Nabi Ismaaciil C.S.
- Nabi Ayuub C.S.
- Nabi Muxamed (c.s.w)
- Nabi Daa'uud C.S.
- Nabi Suleymaan C.S.
- Nabi Nuux C.S.
- Nabi Idriis
- Nabi Saalax
- Nabi Shuceyb
- Nabi Yuusuf
- Nabi Muuse C.S.
- Nabi Ilyaas
- Nabi Ibraahiim C.S.
- Nabi Huud
- Nabi Ciise
- Kitaabka quduska
- Masiixiyad
- Luqmaan Alxakiim
- Sifaynta Diinta Islaamka
- Su'aallo Diini ah iyo Jawaaba hooda
- Islam
Xigasho
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ "Kitaab Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub""
- ↑ "Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav"
- ↑ "Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka"
- ↑ "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
- ↑ "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
- ↑ Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- ↑ Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
- ↑ Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud
- ↑ kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed
- ↑ nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub
- ↑ "Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim"
- ↑ "Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis"
Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.
