VOOZH about

URL: https://www.trtafrika.com/somali/article/8b5b7448c77a

⇱ Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya oo Qaabilay Mas’uuliyiin ka Socday UNFPA - TRT Somali


| Somali
| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya oo Qaabilay Mas’uuliyiin ka Socday UNFPA
Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya (SNBS) ayaa iftiimisay horumarka weyn ee laga gaaray iskaashigan, gaar ahaan dhinacyada tirakoobka dadweynaha iyo xogaha bulshada.
👁 Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya oo Qaabilay Mas’uuliyiin ka Socday UNFPA
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya oo Qaabilay Mas’uuliyiin ka Socday UNFPA

Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya (SNBS) ayaa sharaf u aragtay inay qaabisho wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Dadweynaha (UNFPA) ee Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayay Wakiilka Deggen ee UNFPA, Judicaël Elidje, waxaana ku weheliyay Mariam Alawi, Madaxa Qaybta Dadweynaha iyo Horumarinta. Wafdiga waxaa soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee SNBS, Dr. Cabdisalaan Maxamed, iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga adag ee soo jireenka ah ee u dhexeeya SNBS iyo UNFPA, kaas oo socday in ka badan toban sano, islamarkaana door muhiim ah ka qaatay dib-u-dhiska nidaamka tirakoobka qaranka Soomaaliya, xoojinta awoodda hay’adaha, iyo horumarinta soo saarista xog rasmi ah oo tayo leh si loo taageero dejinta siyaasadaha ku saleysan xogta iyo horumarka qaranka.

SNBS ayaa iftiimisay horumarka weyn ee laga gaaray iskaashigan, gaar ahaan dhinacyada tirakoobka dadweynaha iyo xogaha bulshada. Waxaa ka mid ah diyaar-garowga loo sameynayo Tirakoobka Dadweynaha iyo Guryaha ee ugu horreeya Soomaaliya muddo ka badan konton sano.

SHEEKOOYIN KALE
SHEEKOOYIN KALE

Hay’addu waxay sidoo kale xustay hirgelinta Sahanka Bulshada iyo Tirakoobka Dadweynaha ee dhowaan laga sameeyay shan degmo, kaas oo lagu fuliyay iskaashi ay la yeesheen UNFPA iyo Gates Foundation. Sahankan ayaa gaarsiisnaa qiyaastii 50,000 oo qoys, iyadoo la adeegsanayay hababka sahanka dhaqameed iyo tiknoolojiyado casri ah oo juqraafiyeed (geospatial technologies), kuwaas oo gacan ka geystay hagaajinta qiyaasidda tirada dadka iyo ballaarinta daboolidda xogta, gaar ahaan deegaannada ay adag tahay in la gaaro.

Labada hay’adood ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta Nidaamka Tirakoobka Qaranka, kobcinta awoodda hay’adaha tirakoobka ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, horumarinta nidaamyada xogta iyo ka faa’iidaysigooda, iyo sidoo kale sii wadidda diyaar-garowga Soomaaliya ee ka qaybgalka Wareegga Tirakoobka Dadweynaha iyo Guryaha ee 2030-ka.

SNBS ayaa ugu dambayn u mahadcelisay UNFPA taageerada joogtada ah iyo kaalinta farsamo ee ay sannadihii la soo dhaafay ka qaadanaysay horumarinta nidaamka tirakoobka Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA
SHEEKOOYIN KALE
SHEEKOOYIN KALE
Raadi Warar Kale