VOOZH about

URL: https://www.trtafrika.com/somali/article/dc261666f931

⇱ Wasaaradda Gaashaandhigga oo Guddoomisay Kulan Muhiim ah oo Ku Saabsan Ilaalinta Carruurta - TRT Somali

| Somali
| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasaaradda Gaashaandhigga oo Guddoomisay Kulan Muhiim ah oo Ku Saabsan Ilaalinta Carruurta
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta hirgelinta Mabaadi’da Vancouver, oo ah hannaan caalami ah oo loogu talagalay xoojinta tallaabooyinka looga hortagayo qorista iyo ka faa’iidaysiga carruurta inta lagu jiro colaadaha hubeysan.
👁 Wasaaradda Gaashaandhigga oo Guddoomisay Kulan Muhiim ah oo Ku Saabsan Ilaalinta Carruurta
Wasaaradda Gaashaandhigga oo Guddoomisay Kulan Muhiim ah oo Ku Saabsan Ilaalinta Carruurta

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Yuusuf Cali Maxamed, ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta ilaalinta carruurta Soomaaliyeed iyo ka hortagga in loo adeegsado ama lagu qoro colaadaha hubeysan.

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta hirgelinta Mabaadi’da Vancouver, oo ah hannaan caalami ah oo loogu talagalay xoojinta tallaabooyinka looga hortagayo qorista iyo ka faa’iidaysiga carruurta inta lagu jiro colaadaha hubeysan.

SHEEKOOYIN KALE
SHEEKOOYIN KALE

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah, gaar ahaan hay’adda Save the Children, si loo horumariyo siyaasadaha iyo barnaamijyada lagu ilaalinayo xuquuqda iyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA
SHEEKOOYIN KALE
SHEEKOOYIN KALE
Raadi Warar Kale