VOOZH about

URL: https://www.trtafrika.com/somali/article/ba9c5e2f9c7d

⇱ Turkiga oo Qalab Casri ah oo Lagu Horumarinayo Beeraha Ugu Deeqay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya - TRT Somali


| Somali
| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo Qalab Casri ah oo Lagu Horumarinayo Beeraha Ugu Deeqay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya
Hay’adda Iskaashiga iyo Isuduwidda Turkiga (TΔ°KA) ayaa qalab casri ah ugu deeqday Soomaaliya si loo xoojiyo loona casriyeeyo howlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
πŸ‘ Turkiga oo Qalab Casri ah oo Lagu Horumarinayo Beeraha Ugu Deeqay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horumariyay saaxiibtinimadooda dhow sannadkii 2011-kii. / TRT Balkan

Hay’adda Iskaashiga iyo Isuduwidda Turkiga (TΔ°KA) ayaa qalab casri ah ugu deeqday Soomaaliya si loo xoojiyo loona casriyeeyo howlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Taageeradan Turkiga ayaa kor u qaadi doonta hufnaanta hay’adaha, dardargelin doonta bixinta adeegyada, waxayna ka caawin doontaa Soomaaliya inay gaarto isku filnaansho dhinaca cuntada ah, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

β€œWaxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa TΔ°KA, hay’adda horumarinta ee dalkeenna walaalka ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, oo maanta soo gaarsiisay wejigii koowaad ee taageeradooda,” ayuu wasiirku yiri kadib munaasabaddii wareejinta ee ka dhacday Muqdisho.

Wuxuu sheegay in codsigan loo gudbiyay Madaxa TΔ°KA Cabdullaahi Eren intii lagu jiray kulan ka dhacay Ankara sannadkii 2025.

β€œWaxaan Si Weyn U Qaddarinaynaa Iskaashigan”

SHEEKOOYIN KALE
SHEEKOOYIN KALE

Qalabka la soo gaarsiiyay waxaa ka mid ah kombiyuutarro, daabacayaal iyo shaashado telefishan.

β€œWaxaan si weyn u qaddarinaynaa iskaashigan, waxaana rajaynaynaa wada shaqayn sii socota oo aan la yeelanno saaxiibbadeenna Turkiga,” ayuu yiri.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoojiyay saaxiibtinimadooda dhow sannadkii 2011 kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare, uu booqasho ku yimid dalka.

Tan iyo markaas, kaalmada bani’aadannimo iyo taageerada farsamo ee horumarinta ee Turkigu siiyo Soomaaliya ayaa kor u dhaaftay $1 bilyan, iyadoo ay ku jiraan mashaariic laga fuliyay caafimaadka, waxbarashada, adeegyada dowladaha hoose, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

XIGASHO:AA
SHEEKOOYIN KALE
SHEEKOOYIN KALE
Raadi Warar Kale